Wadanka singapore
Wadanka Singapore oo ah wadan yar oo Koonfur Bari Eeshiya ku yaal, ayaa waxaa uu xilli ahaa mid uu gumaystihii wax la’aan uga tagay. Kadibna waxaa nacay oo iska cayriyey wadankii ay lahaayeen waad is xigtaan ee Malaysia. Waxay wajajeen dhibaatooyin ba’an oo dhinac walba ah, wax khayraad dabiici ahna malahayn, shaqo la’aan, macaluul, iyo dhibaatooyin dhinaca dibada ah ayey la kulmeen. Xilligaas waxaa khatar galay jiritaankooda. Laakiin maantay, taasi ka soo horjeedkeeda, waxay safka hore kaga jirtaa wadamada adduunka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo awooda militeriga.
Waxaan isweydiin karnaa, sidee wadan yar, sida wadanka Singapore ku gaaray awooddan intaas le’eg? Maqaalkeenna waxaa si qoto dheer uga hadli doonaa istaraatiijiyadihii uu asaasaha wadankan Lee Kuan Yew adeegsaday. Kuwaas oo wadanka Singapore ka dhigay mid ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa yar, uguna tacliinta fiican adduunka.
5 cashar oo aan ku soo koobi karno qormadeena ayaa ah:
1. Hormarinta Waxbarashada ee wadanka singapore
Sida uu buuggiisa ku sheegay (From Third World to First), raysalwasaarahii ugu horreeyey ee Singapore, Lee Kuan Yew, waxbarashadu waxay ahayd waxa Singapore badalay. Waxaa uu fahmay, in si wadankiisu caqabadaha hortaagan uga gudbo, loo baahan yahay in dadkiisu yeesho aqoon heer sare ah. Waxbarashada wadanka ayaana dib u habeyn lagu sameeyey iyadoo diirada la saarayo dhinacyada Sayniska, Teknoolajiyada, iyo Xisaabta. Raysalwasaare Lee na waxaa uu aaminsanaa in dad aqoon leh oo carbisan ay yihiin asaaska horumarka dhaqaalaha ee wadankiisa.
Daraasad lagu daabacay (Journal of Comparative and International Education) ayaa sheegtay in Singapore ay waxbarashada ka dhigtay mid qasab ah, taasoo hubisay in ilmo walba uu aqoon ku filan helo, si uu wadankiisa u taageero hadhoow. Waxbarashada Singapore ma ahan kaliya tacliinta, ee waxaa kale oo diirada la saaray dishibiliinka iyo shaqo hufnaan shaqalaha dawlada. Maanta, Singapore waxay ka mid tahay wadamada dhinaca aqoonta adduunka ugu fiican.
2. Soo Jiidashada Waxgaradka Shisheeye
Lee Kuan Yew wuxuu aqoonsaday in Singapore ku liidato khibradaha dhinaca warshadaha iyo wax-soo-saarka, taasoo ay aad ugu baahnayd xiligaas. Si arrintaas looga gudbo, dawladiisa waxay keentay aqoonyahano iyo khubaro shisheeye sida lagu sheegay buugga (The Singapore Story). Khubaradani waxay ahaayeen kuwo muhiim u ah dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha, warshadaha, iyo iskuullada, iyagoo aqoontooda iyo xirfaddooda u gudbinayay dadka reer Singapore.
Aragtidan dhinaca dhaqaalaha ayaa xoogga saartay muhiimadda ay khubaradu u leeyihiin horumarka dalka. Daraasad lagu daabacay (Economic Journal) ayaa sheegtay in keenista aqoonyahanada shisheeye ay dardar gelin karto horusocodka iyo kobaca waddamada.
3. Luuqadda Wadanka singapore oo English Laga Dhigay
Luuqadaha kala duwan iyo qowmiyadaha waddanka ayaa caqabad ku noqday horumarka iyo inay aduunka la jaan qaadaan. Go’aanadii uu qaatay Lee Kuan Yew waxaa ka mid ahaa inuu English ka dhigo luuqadda rasmiga ah ee waddanka Singapore, taasoo qayb weyn ka qaadatay horumarka waddanka.
Daraasad lagu sameeyey (Language Policy Studies) ayaa muujisay in wadamada English ka dhigta luuqadda labaad ay helaan fursado wanaagsan, iyagoo si fudud ugu xirmi kara suuqyada caalamka. Singapore waxay u sahashay dadkeeda inay xiriir la yeeshaan dunida inteeda kale.
4. Siyaasiyiinta oo Mushaar Badan La Siiyo si Musuqmaasuqa Loola Dagaallamo
Lee wuxuu la yimid siyaasad cusub, oo ah in siyaasiyiinta iyo shaqaalaha dawlada la siiyo mushaar aad u badan si ay u yaraato isku dayga musuqmaasuqa. Fikraddan ayaa ahayd mid sahlan oo ku saleysan in haddii dadka dawladda u shaqeeya ay mushaar fiican helaan, aysan u baahan doonin inay si sharci darro ah wax u qaataan.
Joornaalka (The Governance Journal) ayaa sharaxay in siyaasadda noocaan ah, ay keentay in shaqaalaha dawladdu ay noqdaan kuwo hawlkar ah oo aan u baahnayn inay musuq sameeyaan. Hay’adda Transparency International ayaa dawlada singapore ku ammaantay hufnaan iyo nadiifnimo dawladeed. guushoodana waxay ka timid dhiirigelin dhaqaale iyo sharciyo adag.
5. Musuqmaasuqa oo Si Arxan Daran Loola Dagaallamo
Sidoo kale, waxaay dawlada Singapore 1952 dii sameeyay hay’ad awood leh oo la yiraahdo CPIB, taasoo loo xilsaaray inay musuqmaasuqa la dagaallanto. Siyaasadda adag ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo mushaarka sare ee shaqaalaha dawladda waxay keentay inuu musuqu noqdo mid aan si fudud ku dhicin.
Daraasad lagu daabacay (Public Administration Review) ayaa muujisay in wadamada leh hay’ado la dagaalama musuqmaasuqa ay yeeshaan kobac dhaqaale oo wanaagsan, dawlad tayo leh, iyo is-aaminaad wanaagsan oo u dhaxeeya dawladda iyo dadkeeda.
Sidoo kale soo booqo You Tube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1
Gabagabo
Isbeddelka wadanka Singapore ee guusha mucjisada ah, waa natiijo hoggaan aragti leh iyo siyaasad hufan ku timid. Diiradda oo tacliinta la saaro, adeegsiga khubaro shisheeye, qaadashada afka Ingiriiska, iyo dagaalka adag ee musuqmaasuqa ayaa gacan weyn ka gaystay kobaca iyo isbeddelka weyn ee dalkaasi ku tallaabsaday. Talooyinkaan ayaa ah casharro qiimo leh oo ay wadamada kale ka baran karaan, gaar ahaan Somalia oo u baahan isbeddel degdeg ah.
Maxaa Innaga Khaldan hadaan soomali ?
Muddo toban sano ah innaguna heer kaas oo kale ma ku gaari karnaa? Maxaa ina ka khaldan oo aan reer Singapore uga liidanaa? Qaybta commentiga fikirkaaga inoo ku reeb.
E-book yar oo sida wax loo akhriso ku barayana hoos ka akhriso fadlan.
#Wadanka singapore
Wadanka singapore