You are currently viewing Maskaxda faqrinimad-a: Dabinka nolosha afka iyo gacanta u dhaxaysa-1(lesson one)

Maskaxda faqrinimad-a: Dabinka nolosha afka iyo gacanta u dhaxaysa-1(lesson one)

Spread the love

Maskaxda faqrinimada

Markii hodan nimada laga hadlayo, dadku waxay u kala qayb samaan sadex nooc. Kuwo laga tagay ama dabaqada hoose ah(fuquro). Kuw gaabis ah ama dabaqada dhexe (dhexdhexaad). Iyo kuwa horamaray(hodan).

maantay maqaalkeena waxaan awooda ku saari doona qollada kowaad. Ee leh maskaxda faqiirnimada oo iyagu nolosha dabaqada hoose uga jira—oo nolol maalmeedka la harjada. Maantay maxaan cunaa ayey u nool yihiin. Waxay doonaan farxad iyo qanacsanaan degdeg ah. Wax qorshe dhaqaale oo xornimo dhaqaale u ogalaanayana maleh. Aragtida maskaxda faqrinimadu, waxaa laga yaabaa inay kuu gaysanayso dhibaato aadan ku baraarugsanayn. Haddaba, aan isla eegno saykoolajiga iyo cawaaqibka ay nolosha u keeni karto maskaxda faqrinimadu. Waxaan aragtiyaha maqaalkeena badankooda ka soo qadan doonaa buugga la dhaho (millionare fastlane).

maskaxda faqrinimada
millionare fastlane
  1. Maxaa la dhahaa maskaxda faqrinimada ?

Buugga waddada milyaneerku (millionare fastlane), waxaa uu dadka maskaxda faqrinimada ah leh ku tilmaamay, kuwo hadda kaliya uun ka fakara. Mustaqbalna wax uma dhigtaan. Wax walba oo soo gala horay ayey ka kharash gareeyaan. Deynta iskama ilaaliyaan. Waxna ma dhigtaan oo maleh qorshe mustaqbal iyo wax hadhoow loo baxsado. Sida uu buuggu qeexayo, dadkani waxay aamin san yihiin in farxadda la iibsan karo. Guushana waxay ku cabbiraan Alaabada uu qofku haysto.

2. Cilmiga ka danbeeya maskaxda faqrinimada

  • Dabinka qanacsanaanta degdegga ah: Daraasad ay samaysay jaamacadda Standford oo loo yaqaano (Marshmallow Experiment (1972) waxay ogaatay in caruurta dib u dhiga qanacsanaanta iyo abaal marinta ay nolol fiican yeeshaan—natiijo fiican imtixaanka helaan, calaaqo iyo xiriir fiican yeeshaan, iyo weliba shaqo fiican mustaqbalka. Maskaxda faqrinimaduna waxa weeye kuwa iyagu doorta inay helaan qanaaco iyo raali gelin degdeg ah, taas oo keenta kharash garayn iyo isticmaal xad dhaaf ah.
  • Saykoolajiga Deynta: daraasad uu sameeyey joornaalka (Journal of Consumer Research (2007) waxaa lagu ogaaday in dadka qaata deynta oo kharash gareeya ay istarees iyo walaac la kulmaan, taas oo abuurta isdaba wareeg aan dhamaad lahayn oo go’aan xumo iyo kharash garayn xad dhaafa ah leh. Maskaxdaan faqrinmadu waxay dadka ku riddaa dabinka deynta, iyagoo si joogto ah u soo qaata deyn aysan u hayn istaraatijiyad ay ku bixinayaan.
  • Doorka Aqoonta lacagta: Sida uu sheegay (Global Financial Literacy Survey (2016), 33%  kaliya oo dadka waaweyn ee aduunka ka mid ah ayaa fahansan oo wax ka yaqaan fikradaha asaasiga ah ee dhaqaalaha iyo lacagta. Aqoon la’aanta dhaqaale waa mid dadka maskaxda faqrinimada leh ka dhigta kuwa sameeya doorashooyin aan xaqiiqo ku dhisnayn ee deyn qaadasho, wax kaydsi, iyo maal-gahsi, taas oo ku qasabta inay waxay helaan ba gacanta iyo afka u dhaxeeyaan.

3. Cawaaqibka maskaxda faqrinimada

  • Ma jiro dhitaysi: waxaa la ogaaday in 40% oo dadka maraykanka ay san awoodin inay daboolaan kharash dhan 400 dollar oo si lama filaan ah looga baahdo illaa ay soo amaahdaan ama wax ay iyagu haystaan soo iibiyaan mooyeen. Tani waxay muujin maskaxda faqrinimada ee uu qofku u noolaado maantay oo kaliya oo usan wax dib dhigan.
  • Saamaynta dheer ee danbe: (The National Bureau of Economic Research ) waxay ogaatay in dadka mushaar ku nool ka ah uu caafimaad koodu hooseeyo, walaacoodu sareeyo, haddhowna ay la kulmaan dhibaato dhaqaale oo ba’an. Dadkani leh maskaxda faqrinmada waxay noloshooda danbe u huraan tan maantay ah.
  • Barbardhigida dabaqada dhexe iyo dabaqada sare
  • Dabaqada dhexe waa waddo soo jireen ah, oo loo maro hodan tinimada, waxa awooda lagu saara wax u kaydsiga xilliga hawlgabnimada iyo iska ilaalinta dayn qaadashada , laakin waxay sugaan sanado si ay xornimo dhaqaale u gaaraan.
  • laakin dabaqada sare ee hodan ka ah waxay awooda saaraan ganacsi koboc sare leh ama ganacsiyo la isku halayn karo si ay xornimo dhaqaale si dhaqso ah u gaaraan.
  • Ka baxsashada maskaxda faqrinimada
  • Samaysiga wacyi dhaqaale: buugga Atomic Habits waxaa uu ku taliyaa in meel hoose ama wax yar laga bilaabo. Haddii aad leedahay maskax faqrinimo, bilaw inaad la socoto kharash garayntaada oo aad aqoonsato inaad leedahay caado wax kharash garayn.
  • Hormarinta aqoontaada dhaqaale: Isbar fikradaha asaasiga ah ee lacagta ama dhaqaalaha. Buugta uu ka mid yahay Aabo qani Aabe faqiir ah waxay ku bari karaan inaad iska dayso dhaqanka wax kharash garaynta oo aad barato sidii aad hanti ku samayn lahayd taasoo aad u muhiim ugu ah inaad ka baxdo dabaqada maskaxda faqrinimada ah leh.
  • Barista nafta inay dib u dhigto is-abaal marinta: naftaada bar inay qanacsanaanta iyo farxadda dib dhigato. Halkii aad wax iibsan lahayd, sug 48 sacaadood bal inaad u baahan tahay waxa aad rabto inaad gadato iyo in kale. Tani waxay dhisaysaa adkaygsigaaga ku aadan maskaxda faqrinimada ee is-abaal marinta degdegga ah.

Sidoo kale soo booqo youtube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Gabagabo

Haddii aad aminsantahay in aad ku xayiran tahay maskaxda faqrinimada, ogoow inaadan kaligaa ahayn. Isbadal aragtiyeed iyo tilaabooyin yar yar oo qorshaysan, waxaad ku gaari kartaa mustaqbal la hubo. Ha ahaado dabaqada dhexe ama dabaqada sare ee hodonka ah, barashada heerka aad hadda joogto waa muhiim. Ogoow, hodantinimada saxda ah maahan waxa aad gadato ee waa xorriyada iyo badqabka mustaqbalka ee aad abuurto.

E-book yar oo sida wax loo akhriyo ka hadlaya hoos ka dajiso ama akhriso..

This Post Has 2 Comments

  1. Ahmed

    This great. Hawsha wad oday..

  2. Dr. Shire

    mahadsanid, wan ku faraxsan nahay booqasahdaada.

Leave a Reply