Xeerka 5 ta ilbiriqsi
Ma tahay qof tilaabo qaadi la’ oo wax walba dib dhigta, ma sugaysaa dhiirigelin iyo ku dhiirasho aan weligeed imaanayn? Mase isleedahay in 5 ilbiriqsi aysan waxba kuu tari karin?
Hadaba waxaa jira xeer la dhaho, xeerka 5 ta ilbiriqsi, oo dad badan oo nolosha caajis ku dareema ama caadaystay dib u dhigashada, oo aan ku dhirasho lahayni ay isticmaaleen, isla markaana wax wayn ka bedelay noloshooda.
Xeerka waxaa uu shaqeeyaa sidaan: mar walba oo aad iska dareento dib dhigasho ama caajis, oo hawsha la rabo inaad qabato aad ka meermeerato, isticmaal xeerka adigoo kaliya samaynayaa in aad tiriso tiriada 5 ilaa 1, adoo 5 ka soo bilaabaya oo hoos u soo tirinaya (5-4-3-2-1 ) isla marka aad hal soo gaartana hawsha horay ka galaya, adiga oo aan wax kale ka fakarin.
Jooji waqti lumiska iyo filashada waqti fiican oo aan imaanayn—noloshu inaad bedesho mooyee iyadu isma beddelayso.
1. Muxuu yahay Xeerka 5 ta ilbiriqsi?
Mar walba oo aad rabto inaad hawl muhiim ah qabato, gadaal gadaal u tiri 5 ilaa 1 (5-4-3-2-1 ) dabadeedna hawsha ku dhaqaaq oo bilaw. Tani waxay kugu caawisaa inaad ka takhalusto iska shakintii iyo labolabayntii aad horay u caadaysatay.
Muhiim maahan in waxa aad qabanayso uu yahay wax wayn, ama wax yar oo aan saas muhiim u ahayn. Ama hooyo gurigeeda kala habaysanaysa ahoow, ama shirkad wayn iyo xafiisyo masuul ka ahoow, xeerkan waad isticmaali kartaa. Waxa kaliya oo lagaa rabo waxaa weeye inaad fadhiga ka kacdo oo aad tiriso 5-4-3-2-1 dabeedna aad hawsha horay ka gasho adigoon ka labolabayn.
2. Sayniska ka dambeeya Xeerka
Markii hoos laga soo tiriyo ilaa 5 (5-4-3-2-1) ka dibna isla markiiba tilaabo la qaado, habkani waxaa uu kugu caawiyaa in aad ka gudubto dib u dhigishada iyo welwelka iyadoo la hawl gelinayo qaybta maskaxda ee go’aan gaarista qaabilsan, gaar ahaan qaybta hore (prefrontal cortex) ee maskaxda.
- Joojinta labolabaynta: markii aad labolabayso oo aad hubsiino la’aan dareento, shaki ayaa bilaabma maskaxduna aad ay u fakartaa oo arinka ayey ka badbadisaa. Marka tirada gadaal gadaal loo tiriyo shan ilaa hal waxay joojisaa shakigaas iyo in maskaxdu kaa bajiso oo aad ka baqdo hawsha.
- Ka shaqaysiinta qaybta hore ee maskaxda (prefrontal cortex): Dib u tirintu waxay u baahan tahay inaad tirada diirada saarto taasoo qaybta hore ee madaxa ee ka masuulka ah, go’aan qaadashada, is-xakamaynta, iyo qaadista tilaabooyinka u jeedada leh ka shaqaysiisa. Qaybtaan maskaxda waxay kaa cawisaa inaad ka adkaato shucuurta sida baqdinta iyo shakiga, taasoo kugu caawisa inaad qaadato go’aano macquul ah.
- Jooji fakarka oo tilaabo qaad: Hoos u tirinta markii aad 1 ka gaarto maskaxdaadu waxay diyaar u tahay inay ficil qaado, taasoo ku sahlaysa inaad hawl gasho bilaa shaki la’aan. Hadaba is-beddelkaan degdega ah ee ka shakiga iyo fikirka ee aad tilaabada ku qadayso wuxuu ka caawiyaa inaad ka adkaato baqdinta iyo inaad wax qabato inta aan walaacu soo noqon.
Tirintu waxay kugu riixdaa inaad dhaqaaqdo, taasi oo kaa kaxaysa fakarka oo ficilk kugu dhalisa, waxaanad u isticmaali kartaa wax walba oo aad qabanayso.
labolabaynta 5 ilbiriqsi oo kaliya waxay keeni kartaa saacado—ama maalmo—oo kaa dhuma ama aad fursado ku seegto.
buug yar oo ebook ah oo ku baraya sida wax loo akhriyo halkan ka akhri isna:
3. Ku dabakhidda nolosha caadiga ah
U isticmaal xeerka si aad uga gudubto dib u dhigashada: Ha sugin inta aad ka dareemayso dhiirigelin. U isticmaal xeerka hawlihii aad dib u dhigan jirtay oo dhan. Kaliya hoos u tiri (5-4-3-2-1) dabeedna hawsha horay ka gal.
Samaysiga kalsoonida: U isticmaal xeerka markii aad meel ka hadlayso hadaad tahay qof xishooda oo ka baqa intaa dadka ka hor hadasho, kaliya hoos u tiri (5-4-3-2-1) dabeedna dheh wixii madaxaaga ku jira. Ogoow inaad adigu sidaad iskaga fakarto oo aad isku mashquusho aan cidna waqti kuugu bixin oo kuugu mashquulin. Wax walbana maskadxdada ayaa abuurtay.
video aan xeerka si faahfaahsan ugu eegayno ka soo daayo youtubekena:
Ma tahay qof si joogto ah hawlaha muhiim ka ah u daahiya, ama lagu ibtileeyey wax dib ugu dhigta?
Hadaba xeerkani waa mid aad u muhiim ugu ah, abkay wax dib dhigte oo dhan, qofkasta oo af gaaban oo hadalka ka baqa, iyo cid walba oo kalsooni xumo ay ku jirto.
4. Maxaan buugga ka qaadan karnaa?
Haddii aadan 5 ilbiriqsi gudahood ku dhaqaaqin , maskaxdaadu waxay kuu diidi doonaa inaad tilaabo qaaddo.
Mar kasta oo aad sugitaanka iyo labolabaynta badiso, maskaxdaadu waxay kugu qancin doontaa inaadan waxba qaban.
Gabagabo
Xeerkan waxaa ka faaiidaystay malaayiin dad oo aduunka ku nool, buuggana waxaa uu ka mid yahay buugta aad ka loo iibsaday. Aniga ayaa shakhsi ahaan uga faaidaystay oo caadooyin badan ku samaystay, dib u dhigashadana iskaga reebay.
Marka haddii aad ku daashay dib u dhigashada iyo baqdinta, maantay bilow isticmaalka xeerka 5 ta ilbiriqsi.
Isku day hadda oo arag sida fudud ee aad uga adkaan karto dib u dhigashada, sida aad kalsooni ku dhisi karto, iyo sida aad noloshada gacanta ugu dhigi karto.