You are currently viewing Wax-yar si xeel dheer u qabo (Do few things with intense focus)

Wax-yar si xeel dheer u qabo (Do few things with intense focus)

Spread the love

Xeel dheer-idu waa muhiim

Dunidaan xawliga ku socota, dadku waxay badanaa isku dayaan inay dhawr hawlood ama mas’uuliyadood hal mar isku qabtaan, taasoo keenta daal badan iyo waxqabad aan fiicnayn. Si kastaba ha ahaatee, cilmibaarisyo ayaa muujiyana in ay taas ka fiican tahay in Waxyaabo yar xoogga la iskugu geeyo oo si xeel dheer loo sameeyo. Maqaalkanna waxaan ku eegi doonaa sida markii mudnaanta la siiyo xeel dheeri u qabashada hawsha ay u keento guulo heer sare ah, waxaana fikirkan taageero daraasado la sameeyey, soo jeedinta khubarada, iyo tusaaloyin cad cad oo nolosha dhexdeeda ah.

  1. Awoodda xeel dheer-i wax u qabashada: muhiimada waxa yar

Mabda’a ah “Inaad waxyar si xeel dheer u qabato” maahan kaliya khidad waqtiga lagu maaraynayo; ee waa xeelad tayada hawsha lagu hagaajinayo si guul wacan loo gaaro. Cilmi baaris uu ururka saykoolajiga ee maraykan sameeyey(The American Psychological Association) ayaa lagu ogaaday, in maskaxdeenu ay hawl fiican qabato markii hadba hawl awooda la iskugu geeyo. Markii si joogto ah hawlaha la iskugu bedbedelo waxay beel daraysa tamarta iyo inerjiga, waxay keentaa qaladaadyo, iyo sidoo kale walaac badan. Markii awoodda la iskugu geeyo dhawr hawl oo muhiim ah, waxaan awoodnaa inaan dadaal yar wax wayn ku qabano inagoon tamar badan beel darayn.

Soo booqo You tube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

2. Xeerka 80/20: Dadaal xeel dheer waxaa uu dhalaa natiijo weyn

xeel dheer
Xeerka 80/20

Xeerka ama Mabda’a Pareto, oo sidoo kale loo yaqaan xeerka 80/20, waxaa uu caddeeyaa in 80% oo natiijooyinka ka mid ahi ay ka yimaadaan 20% oo hawsha ama dadaalada ka mid ah. Xeerkan oo aad loo baaray loona daraaseeyey, isla markaana lagu dabakhay wax soo saarka iyo dhaqaalaha, ayaa soo jeediya in markii dhawr arin oo saamayn sare leh si xeel dheer diirada loo saaro ay wax soo saarka ugu wayn dhalaan. Sida uu buuggiisa Mabda’a 80/20 uu ku qoray Richard Koch, akhristayaashu waxay bartaan in qaacidada guushu ay tahay in hawlaha muhiimka ah horay loo qabto oo ihtimaam gaar ah la siiyo, kuwa aan waxa badan soo kordhin ama aan muhiimka ahayna gadaal la mariyo ama cid kale loo dhiibo.

Ku dhaqanka habkaan macnaheedu waxaa weeye aqoonsashada iyo u gooynta diirad saarid xeel dheer hawlaha runtii aadka muhiimka u ah.

3. Shaqo qoto dheer iyo xirfad heer sare ah

(Cal Newport’s Deep Work) wuxuu ina baraa fikradda “shaqo qoto dheer”—xaalad bilaa mashquula, oo feejignaan sare leh taasi oo tayada iyo xirfaddaba sare u qaata. Wuxuu sidoo kale sheegaa in yeelashada xirfad dhab ah ay u baahan tahay diirad saarid xeel dheer ee hawlo ama xirfado yar yar. Dadka si xeel dheer diirada u saara yoolal yar yar ay yeeshan khibrad weyn, yeeshaan wax soo saar tayo leh, sidoo kalena dadka uga hormaraan tartan walba.

4. Faaiidooyinka diirad saarid xeel dheer: Tusaalooyin dhab ah

Ganacsatada guulaysta, qoraayaasha, iyo ciyaartooydu inta badan waxay guul ku gaaraan hawlo muhiim ah oo si xeel dheer diiradda loo saaray. Shirkadda Apple markii uu maamulayey Steve Jobs, waxay si la wada og yahay u xaddiday wax soo saar keeda si ay awoodda iskugu gayso soo saaridda dhawr aaladood oo uu iPhoneka iyo kumbuterka Mac ka mid yihiin. Steve Jobs waxaa uu aaminsanaa in maya lagu dhaho fikrado fiican ,si waqti loogu helo kuwa aan markaas inaba caadiga ahayn, taasoo muujisa qiimaha dadaal xeel dheer iyo u qabashada si wanaagsan hawlaha la xushay.

5.  Tilaabooyin aad dadaal xeel dheer qaban karto

Si aad arinkaa nolol maalmeedkaaga u dabadkhdo samee arimahaan:

  • Aqoonso yoolashaada muhiimka ah: Dooro 2 ilaa 3 ka mid ah ahdaaftaada muhiimka ah ka ee mustabalka fog.
  • Usamee waqtiyo gaar ah: Gool kasta u qoondee waqti u gaar ah oo aan wax khashkhashaada ah lahayn hawl kalena ka soo dhex gelin.
  • Jooji isla qabashada hawlaha: U tabo bar naftaada si aad hawl ba mar u qabato inta aadan midda xigta u gudbin.
  • Mudnaan: Yaree hawlahaga maalin laha ah, kuwa aad qabanaysana mid walba  mudnaan gaar ah sii oo awooddaada iskugu gee si wanaagsanna u qabo.

Gabagabo

Markii aan diirada si xeel dheer u saarno hawlo yar, waxaan ka gaarna hormar aad u wayn, tayo wanaagsan, iyo natiijo macno wayn leh. Caddaymaha aan soo aragnay oo dhan waxay muujinayaan in wax yar oo si xeel dheer loo qabto ay tahay qaacidada guusha, ha ahaadeen arimaha shakhsi ahaaneed, arimo shaqo la xariira, ama hammigaaga guud ee nolosha ku aadan.

E-book yar hoos kala dag ama ka akhriso

Leave a Reply