You are currently viewing Sidee u khasaaraa si aan u guulaysto? (inversion think1ng)

Sidee u khasaaraa si aan u guulaysto? (inversion think1ng)

Spread the love

Sidee u khasaaraa ?

Marka aad akhrido taariikhda iyo sheekooyinka dadka aduunka wax badalay ama guulaha ka gaaray(sida dadka wax ikhtiraacay, ama shirkada asaasay, ama kuwa wax aan looga horayn iyagu sameeyey oo horumar ka gaaray), dadka noocaan ah wadooyinka ay guush u marareen marmarka qaar waa kuwo qariib ah, oo aad is leedahay sidee saas ku dhacday ama ay sidaas ugu fakareen.

Caadiyan waxaan u naqaan in hormar lagu gaaro dadaal dheeraad ah, goolal cad cad iyo tilaabooyin la dagsaday oo arinkaas kugu haga. Qofkana madaxiisa waxaa ka buuxa oo u muuqda guulo uu gaaro iyo waxyaabaha uu ku guulaysan doono iyo faaiidooyinka u heli doono.

Laakin dad waxa jira caan ah, ama shirkado waaweyn leh oo iyagu arinka si kale u eegay, waddo tan caadiga ah ee la yaqaan ka duwanna qaaday. Charlie Munger oo la sheego inuu yahay ninka ka danbeeya guusha Warren Buffet, isaguna ah billionare, ayaa laga bartay fikrad ah (Immersion thinking) oo ah in si sida caadiga ah ka soo horjeeda. Tusaale isagu wuxuu awoodda saaray sidee u khasaaraa, halka uu ku fakari lahaa sidee u guulaystaa. Caadiyan dadku waxay arki og yihiin daldaloolada iyo cilladaha, khasaaraha markii aad heshana waxaad awoodaa inaad iska ilaaliso, markaas ka dibna guul ayaad gaari doontaa, oo marba haddii waxa khaladka laga ilaaliyo, faaiido waa khasab inay timaado.

sidee u khasaaraa?
Charlie Munger

Marmarka qaar inta uu qofku ku wareeri lahaa cayrsiga guusha iyo samaynta waxyaabo badan oo taas keena waxaa laga yabaa inay uga fiican tahay inuu taas ka soo horjeedkeeda sameeyo. Oo uu khasaaraha iyo waxa fashilka keena kaliya eego oo iska ilaaliyo, taasi oo guul dhasha. Haddaba maqaal kan ayaan ku eegi doonaa sida ay u dhasho faaido iyo guul markii la iska ilaaliyo khasaaraha.

  1. Ufakarida si rogan ama caadiga ka soo horjeeda (Inverstion thinking)

Habka Charlie Munger guusha u maray waxaa uu ku salaysan yahay in uu qofku u fakaro si ka soo horjeeda sida caadiyan loo fakaro(inversion thinking), oo wuxuu is waydiiyaa, sidee u khasaaraa ?. Intii uu qofku is waydiin lahaa sidee ayaan guul ku gaari karaa?, wuxuu is waydiiyaa, sidee ku khasaaraa? sidee u guul darraysan karaa? Muskhilada ama arinka ku horyaal ayaad dhinac kale laga eegin. Taasi waxay kuu sahli kartaa in caqabadaha iyo khataraha aad si sahlan u arki aragto. Markii aad aqoonsato waxyaabaha aad ku khasaari karto, waxaad awooddaa oo kuu sahlanadaada inaad ka shaqayso sidaad iska ilaalin lahayd. Mar walba oo aad khasaaraha iska ilaaliso guul ayaa daba socota oo aad gaartaa.

Tusaale: Mashruuca ama arinka aad hadda ku hawlan tahay, intii aad xooga iyo diirada saari lahayd oo kaliya, saad guul ku gaari lahayd iyo miraha guusha, iswaydii oo ka fakar waxyaabaha arinkaas kaa hor istaagi kara, oo ku carqaladayn kara—sida dib u dhigashada(ama procrastination ka), xirfad xumada ama aqoon xumada, waqti maarayn xumada iwm. kuwaas oo dhan hadaad iska ilaaliso, guushuna waa ku xigtaa,oo daba socotaa. waxaa muhiim ah in marwalba qofku uu is waydiiyo oo madaxa ku hayo, sidee ku khasaaraa?

2. Wax Ka Barashada Qaladaadka-Adoon Aan Samayn

Charlie waxaa uu aaminsan yahay, inaadan u baahanayn in aad qalad samaysid si aad wax uga barato. laakin taas ka soo horjeed keeda aad wax ka baran karto qaladaadka dadka kale. Markaad wax ka baratid khasaaraha dadka kale, waxaad awoodaa inaad iska ilaaliso oo aad ka hortagto, in waxa iyaga soo gaaray oo kale uu kugu dhacaan.

Qodabkaan waxaa taageero cilmi baarisyo : cilmi-baaris uu iskuulka ganacsiga ee jamacadda Harvard sameeyey 2017 oo ku saabsanayd go’aan gaarista, waxay sheegtay in dadka iska ilaaliya qaladaadaka caadiga ah—sida kalsoonida xad dhaafka ah, ama qorshe xumada—ay sameeyaan go’aano iyo doorashooyin sax ah. Charlie iyo Buffet waxa ay inta badan falanqeeyaan khasaarooyinkii ganacsi ee hore , casharadaasna waxay u isticmaalaan oo ku dabakhaan guushooda maantay.

3. Adigu sidee fikradaan noloshada ugu dabakhi kartaa—oo aad khasaaraha iskaga ilaalin kartaa?

hada waxaa macquul inaad is waydiiso, iswaydiiyey sidee loo khasaaraa, oo gartay sida loo khasaaro, taasi oo aan ka sii baran karo sida khasaaraha la iskaga ilaaliyo. Haddaaba, side ayaan noloshayda ugu dabakhi karaa oo aan iska ilaalin karaa fashilka iyo khasaaraha?

  • Aqoonso fashilka iyo khasaaraha ama khaladaadka imaan kara: ee dhinacyada nolol maalmeedkaaga caadiga ah, ha ahaato arimaha ganacsigaaga, ama noloshada gaarka ah, isku day inaad aqoonsato dhamaan caqabadaha iyo arimaha is hortaagi kara guushada iyo hormarkaaga.
  • Iswaydii suaalo sax ah: inta aadan wax tilaabo ah qaadin is waydii, maxaa khaldami kara? waa maxay waxa ugu xun ee dhici kara?
  • xoogga saar sidii ad u maarayn lahayd khataraha: Marna ha qaadin tilaabo aadan ka fiirsan. Tilaabooyin yar yar oo aad ka baaraan dagtay, waxay yareeyaan fursadaha aad ku guul darraysan karto.

Soo booqo Youtube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Gabagabo

Hadaba mashruucaaga xiga ama qorshaha wayn ee aad rabto inaad qabato, ugu horrayn , is weydii sidee u khasaaraa, ama ka fakar siyaabaha aad u khasaari karto oo dhan. Xasuusnow in aan hormarka mar walba ahayn inaad guul gaarto—ee khasaaraha oo la iska ilaaliyo iyana guul keento. Markaad barato khasaraha dadka kale, adigoo isticmaalaya aragtida fikirka rogan (inversion thinking) si aad u saadaaliso khataraha, oo aad iska ilaaliso khaladaadka waaweyn, waxaad si dabiici ah ugu jihaysan doontaa dhinaca guusha. Guushuna had iyo goor uma baahna inaad hormar weyn samayso, ama aad tilaabo weyn horay u qaado. Marmarka qaar waxaa kugu filan oo kaliya inaad iska ilaaliso inaad dib u noqoto.

Ebook yar oo ka hadlaya sida wax loo akhristo fadlan hoos ka akhriso.

sidee u khasaraa

sidee u khasaaraa

Leave a Reply