You are currently viewing IQ ga soomaali-du intee le’eg yahay? (now more)

IQ ga soomaali-du intee le’eg yahay? (now more)

Spread the love

IQ ga soomaali-da

Erayga IQ ayaa wxaa loo soo gaabshay labo eray oo af ingiriis ah,

(Intelligence Quotient) kuwaas oo afsomali noqon kara xadka ama heerka garaadka.

Muxuu yahay IQ?

IQ waa cabir tiro oo loogu talo galay in lagu tijaabiyo kartida

garashada ruuxa marka la barbar dhigo cabirka garashada ee kuwa la filka

ah ee imtixaan loogu talo galay in garaadka lagu cabiro.

IQ waxaa uu cabiraa ama qiimeeyaa awoodaha garashada, oo ay ka

mid yihiin sida awooda fakarka ama sababaynta, xalinta dhibaatooyinka,

xasuusta, qibrada dhinaca luuqada. IQ gu waxa kale oo uu sawir ka

bixiyaa awoda qofka ee dhinaca wax barashada, la qabsashada isbadalada,

iyo sida uu uga gudbo xaaldaha adag.

Iyadoo tijabada IQ ga arimahaas oo dhan lagu ogan karo, hadana

waxaa lagama maarmaan ah in la aqoonsado in garaadka bini’aadamku uu

aad u kala duwan yahay oo wajiyo badan leeyahay.

Asalka cabirka IQ ( ama tijaabada garaadka ) waxay soo bilaabtay

dabayaaqadii qarniyadii 19aad. Alfred Binet iyo Theodore Simon oo

wadanka faransa u dhashay ayaa ka mid ah dadkii ugu horeeyey

tijaabooyin garaadka lagu cabirayo sameeya. Waxaa sidoo kale xilaga

laga sameeyey wadamada UK iyo Germany. waxaana la sameeyey

imtixaan ama tijaabadii ugu horaysay oo lagu ogaanayo arinkaas.

Labadaas nin oo faransiiska ah ee ku takhasusay cilmi nafsiga ayaa u

jeedadooda tijaabada IQ ga ahayd inay in lagu cabbiro da’ maskaxeedka

caruurta iyada oo loo eegayo da’dooda saxda ah.

waxaana markii hore loogu talo galay in lagu ogaado ardayda u baahan

taageero iyo cawimaad waxbarasho oo dheeraad ah.

isticmaaleen qaacido nooocan ah:

TUSAALE:-

Ilmo10 jir hadii la cabiro garaadkiisa uu la mid noqdo mid 12 jir ah,

Markaa labada da’ood ayaa la isku ku qaybin dabadeedna boqol ayaa

lagu dhuftaa si marka loo helo garaadka. 12/10×100= 120, caqliga

gaaraya 120 ayaa ah mid aad u fiican oo ka dhigaya ilmahas mid

garaadkiisu aad u wanagaasan yahay.

Dadka 68% ka mid ah ayaa caqligoodu u dhaxeeya 85 ilaa 115. taasi

oo ah celceliska dadka wadan ku nool. Halka 2% oo dadka ka mid ah ay

yihiin dadka hibada leh oo garaadkoodu(IQ) ka sarreeyo 130. Sidoo kale

2% oo dadka ka mid ah ayaa caqligoodu ka hooseeya 70.

Imtixaanka ama tijaabada IQ ga waxaa la is waydiiyo waxaa ka mid

ah:

  • Erayada
  • Xisaabta
  • Qaababka iyo shaxaha
  • Calamada, IWM

Tusaale: erayada waxaa la is waydiin karaa su aashan oo kale:

  1. Waa maxay kalluun

A. Rah B. Yaxaas C. Aargoosato D. Malaay

2. Xisaab: waa maxay lambarka xiga ee isku xigxiga lambaradaan.

1-1-2-3-5-8-13-?

3.

IQ ga soomaali

You tube keenana soo booqo https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Hadaba dadka garaadka sareeya leh waxaa ka mid ah Albert Einstein oo IQ gisa lagu qiyaaso 160 ilaa 190 iyo Stephen Hawking oo isna lagu qiyaaso 160. dad waxaa jira IQ goodu oo 200 boqol kor u dhaafo oo ah dad rabi siiyey. IQ gu waxaa uu ku ekaa yurub markii hore, sida wadamaa engiriska, jarmalka, iyo franciska, inta usan u gudbin dhina maraykanka. 1916 kii , Lewis Terman—bare–Jamacada Stanford ayaa sameeyay tijaabooyin uu ku cabirayo IQ ga. Isagoo soo qaatay ama tibaayinkiisa ku dabaqay kuwi faransa laga sameeyey. Waxaa uu cabiray tiro badan oo reer maraykan ah. Tijaabadiisa ayaana noqotay mid ka mid ah imtixaanada garashada ee

loogu isticmaalka badan yahay aduunka.

IQ ga ayaa yurub waxaa loo is ticmaalay si loo caawiyo ardayda u

baahan cawimaad wax barasho oo dheeraad ah, laakin markii uu

Maraykan tagay waxaa uu isku badalay qaab kale. Waxaa la bilaabay in

dadka waawayn la tijaabiyo sida askarta, maxaabiista, ardayda

jaamacadaha, iyo dadka soo galootiga ah. Xogta IQ ga ayaa kooxo

cunsuri ah oo ay ka mid yihiin yujinikis (eugenics) waxaa ay u

isticmaaleen si qaldan iyo inay dadka ku kala soocaan.

Yujinikis ayaa waxay beegsadeen dadka ay ka mid yihiin, madowga

ama dadka aan midabka cad lahayn oo dhan, fuqurada, iyo curyaanka.

Waxay awood u yeesheen inay dawlada saameeyaan oo sharciyosameeyaan. Sharciyada ay dawladu ay ogalaatay ayaa waxaa lagu

dhibaateeyey dad aad u faro badan waxaana lagu dhufaanay dad gaaraya

64 000. Taasi oo maraykan ka iyo tijaabooyinka IQ gaba ku noqotay

taariikh ku noqotay.

Ayaamahan waxaa jiray doodo dhinaca khadka ah oo ku saabsan IQ ga

kuwaas oo soojiitay indhaha dad badan. inkastoo tijaabooyinka IQ ga loo

isticmaalo cabirka kartida garashada ee wado badan, hadana somalia

xaladeeda ayaa iyadu ah mid gaar ah oo caqabado u khaas leh.

Arinka somalia ee cakiran, daganaan la’aanta iyo dhaqaale xumada

ayaa abuuray caqabado badan oo nolosha dadka dhinac walba ka

saameeyey. arimahaas ayaa saameeyey waxbarashada, quutul daruuriga,

iyo dhamaan horumarka nolosha oo dhan oo uu ku jiro tijaabooyinka IQ

ga.

Mid ka mid ah caqabadaha aasaasiga ah ee qiimeynta IQ ee

Soomaaliya waa la’aanta imtixaanno midaysan iyo habab xog ururin oo la

isku halayn karo. Nidaamkii waxbarashada oo dalka ayaa burburay oo

waxaa aad u saameeyey coladaha iyo dhibka ka taagan dalka. waxkasta

way xumaadeeen markaas waxaan suuroobi karin in tijaabooyin noocaas

ah dalka laga qabto.

IQ ga waxyaabaha saamayn kara waxaa ka mid ah kala

duwanaanshaha dhaqanka iyo luqada dadka somalida. Tijaabo nooc

kaliya ah lagama samayn karo dalka oo dhan madamada dadka

dhaqalahooda, caadooyinkooda iyo lahjadu ay kala duwan yihiin.

Kala duwanaanshiyahaas ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho

tarjumaadda iyo ku dabaqida imtixaannada IQ ee loo qaabeeyey ama lagu

saleeyey caadooyinka iyo luuqadaha reer galbeedka.

waxaa intaa dheer, saamaynta arrimo ay ka mid yihiin,

saboolnimada, nafaqo-xumada, iyo dhibaatooyinka xun ee dalka iyo

dadkuba soo maray marka IQ ga soomaali-da laga hadlayo.dhibaatooyinkaan oo dhan ayaa saamayn way ku yeesha kobaca garaadka

qofka kuwaas oo keeni karo natiijooyin aan sax ahayn isla markaana aan

ka tarjumi karin garaadka saxda ah ee ruuxa.

Wadanka somalia xiligi la awooday ee dawladii somalia wax tijaabo

IQ ah lagama samayn, wax nadiijo sax oo wadanka laga hayo ma jirto.

Waxaa badanaa lagu dabaqaa ama looga qiyaas qaataa wadamada dariska

ah oo ah kuwo aan markaasi wanaagsanayn. Marka Kenya oo cabirka

celceliska IQ geedu yahay 75 laga reebo wadama kale kuligood waxay ka

hooseeyaan 70. saan og nahayna kuligood xaga waxbarashada somalia

uga fiican. Taasi ayaa somalia meel aan fiicnayn dhigaysa.

Saan ognahay Somalia wax tijaabo IQ ah lagama samayn.

Cilmibaareyal ingris ah 2012kii sameey cilmi baris dunida oo dhan lagu

saleeyey. iyado la egayo arimaha sida, Taclinta, dakhliga, iyo bed qabka

ubadka. Dhibcaha IQ ga ee wadamo gaaraya 197 ayey ururiyeen, iyadoo

174 wadan dhibcohooda la hayey, halka 23 soo hartay lagu qiyaasay

wadamada ay dariska yihiin oo ay isku dhaw yihiin.

IQ-ga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay 71.8, maadaama aan

wadanka somalia xog sax ah laga hayn oo IQ ga ah. kaasi ayaa ha mid

aan lidan oo Nepal oo ah wadan dawlad leh oo aan sida somalia u

burburin ayaa dunida ugu hooseeysa, IQ ga wadankaas aya lagu sheegay

54 kaliya. Taasi ayaa mid aad u hooseesays oo hadii qof uu IQ giisu

yahay 54 xitaa qubayska iyo nololsha oo dhan in laga caawiyo weeye.

Dhinaca kale niman carab oo qaarkood ka socday jamacado

carbeed oo mid ka mid ah ay sacuudiga ku taalo ayaa qaxootiga somalida

ee kenya ka sameeyey tijoobo IQ ga la cabirayo. Ciyaal ka somalida ee

xeryaha qaxootiga ayey warbixintaa ka diyaariyeen iyagoo markaa ku

sheegay in IQ ga soomaali-du uu yahay 68 oo kaliya. Taasi oo ah mid aad u

hooseeysa.IQ ga ayaa isagu laga rabaa inuu boqol gaaro ama uusan ka

hoos marin 80.Hadaba xaqiiqo waxaa ah in waxyabaha sameeya amase kobciya IQ

ga ay somalia ku hooseesayo, sida waxbarashada, nafaqada iyo dakhliga.

Somalia waxaa ay aad uga hooseesaysaa wadanka aduunka ugu sareeya.

Japaan ayaa kaalinta kowaad haysata iyadoo celceliska dhibcaheedu

yihiin 106.

Aduunka ma jiro wadan dadkiisu ay doqon yihiin ama umadaha kale

ka caqli xun yihiin, laakin waxaa la isku dhaafay waxyaabaha garaadka

iyo caqliga bini aadamka horumariya sida, Bay’adda, Waxbarashada, iyo

Nafaqada. Waxaa tusaale inoo noqon kara somalida qurbaha ku nool sida

minesota oo la tijaabiyey IQ ga caruurta somalidu waa mid aad u fiican.

Noocyada kale ee garaadka

Garaadka bini aadamaku waa mid wajiyo badan ay sahlahnayn in

tijaabadisa hal wax lagu sal gooyo. Culimada arimaha IQ ga ayaa sheegay

inay jiraan noocyo badan oo garaad ama garasho ah. Kuwaas waxaa ka

mid ah garashada dabiiciga ( fluid intellegince) Iyo garashada la bartay

(crystallized intelligence).

1. garashada dabiiciga ah amase gole ka fuulka ah waa awoodda

barashada macluumaad cusub, kala habaynta iyo fahanka

macluumaadkaas iyo xalinta mushkiladaha cusub. Caqliga dabiiciga ahi

waxa weeye inuu qofku awoodo inuu si loojig ah u fakaro

mushkulidahana u xaliyo. Taasi oo ka madax banaan aqoontiisii hore ama

waayo aragnimo.

Taasi inta badan waxaa aad loogu xishaa; doorarka la xiira xallinta

mushaakiladaha, go’aan qaadashada, hal-abuurka, iyo la qabsiga

xaaladaha cusub. Xaga shaqada, shirkadah ayaa u door bida dadka leh

Garashada dabiciga boosaska u bahan fikir hal abuur leh, qorshayntaistiraatijiyadaha, kartida fahanka degdegga ah iyo xalinta mushkiladaha

aad ka u adag.

2. Garashada la bartay(Crystallized intelligence ) waa aqoonta noloshu

ku bartay, khibradda, waayo aragnimada iyo waxbarashada caadiga ee

iskuulka lagu bartay. Garashada la bartay waxa ka mid ah xirfadaha

waxbarashada lagu kasbaday, iyo waxa dhaqanka laga bartay. Kuwaas oo

marka la adeegsado xirfado noqda. Garaadka noocaas ah ayaa filka ama

da’da la kora.

Garaadka noocan ah waxaa uu ku haboon yahay meelaha u baahan

aqoon gaar ah ama mid qoto dheeer sida khibrad ama xirfadaha.

Iskuulaad ka warshadaha, shirkadaha iyo meelo kale oo badan ayaa u

bahan shaqaale xirfad leh. Shaqooyinka aan ka marmin garashada la

bartay ayaa waxaa ka mid ah: sharciga, caafimaadka, injineernimada,

xisaabaadka, macalinnimada, imw. kuwaas oo dhan waxay u baahan

yihiin aqoon qoto dheer.

Arimaha sameeya IQ ga

Arrimo kala duwan ayaa saameeya IQ ga sida Hidaha, Waxbarashada,

Nafaqada, Dhaqaalaha, iyo Dhaqanka. Arimahaas ayaa ka qayb qaata

kobcinta IQ ga. Hiddaha ayaa saameeya IQ ga oo qayb ka mid ah oo aan

cadadkeeda wali lahayn ayaa laga dhax lahaa waalidiinta. Ilmaha

yaraanta nafaqadiisa lagu dadaalo bay’o waxbarasho fiicanna uu ku koro

waxaa la filaa in garaadkiisu fiicnaado.

IQ ga sareeya waxaa lala xiriiriyaa guulaha dhinaca waxbarashada,

shaqada, iyo guud ahaan nolosha oo dhan. IQ ga waxaa lagu kobcin

karaa tacliinta. Dhinaca kale cilmi baarisyo ayaa sheegaya in IQ ga

hooseya la xariiriyo jariimooyin. Halka IQ ga sareeya lala xiriiriyo

cimriga dheer.

Gunaanad

Isku soo wada duuboo, Fahamka IQ ee Soomaaliya iyo guud ahaan

caalamka waxa ay muujinaysa adkaanta qiimaynta garaadka. Iyadoo

tijaabooyinka IQ gu ay wax noo muujin karaan, hadana waxaa sameeyo

arimo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo heerka dhaqalaha. Haddii ay

arimahaas oo dhan hagaagaan, bulshooyinku waxay si wanaagsan u

kobcin karaan garaadkooda, waxtarkooda guud iyo dhamaan

noloshooda oo dhan.

Ebook ka hadlaya sida wax loo akhristo…

IQ ga soomaali-da

Leave a Reply