You are currently viewing Dhibaatada ay dib u dhigashada: how procrastiantion destroys your life?

Dhibaatada ay dib u dhigashada: how procrastiantion destroys your life?

Spread the love

Dhibaatada dib u dhigashada

dhibaatada dib u dhigashada oo ah sida adiga oo ay hawl aad muhiim u ah, oo waqtigeedi uu gabaabsi yahay kuu taal, oo aadan weli bilaabin, oo facebook ga iyo khadka ayaad iskaga jirtaa, oo sibaad uga meecmeecan qabashada hawshaas.

 Arinka noocaas ah waxaa uu u muuqdaa mid kuligeen aan naqaan oo aan marar badan dareenoh. Waxaana afka english ka lagu dhahaa procrastiantion oo aan ku micnayn karno dib u dhigasho. Oo ah markii hawl aad muhiim u ah oo loo baahnaa inaad qabato, aad bilaa sabab dib u dhigato, adigoo waqtiga geliya ama ku dhumiya waxyaabo aan muhiim ahayn.

Hadaba dabeecada dib u dhigashada ama procrastiantion ka maxaa keena? Ugu horrayna, sidee ayaan iskaga ilaalin karnaa ama uga adkaan karnaa?

Maantay maqaalkeena ayaan arinkaas ku lafa guri doonaa inoo si qoto dheeer isula eegi doona dib u dhigashada, waxa keena, iyo sida aan iskaga ilaalin karno.

Qeexida erayga Procrastination.

Erayga procrastination waxaa badanaa lagu qeexaa inuu yahay daahinta ama dib u dhigista hawl kuu taal, khaasatan hawl aad muhiim u ah. Sida culimada mawduucan wax ka qorta ay cilmi baaris ku ogaadeen, in 95% oo dadka ka mid ahi ay leeyihiin dabciga wax u dib dhigashada, halka 20% oo dadka mid ahna ay dib u dhigashadu noqoto mid joogto ah oo musiibo isku badasha.

Waxaa muhiim in la fahmo inaan dib u dhigashadu aysan ahayn aysan ahayn caajis ama laysinimo, laakin ay tahay saamayn dhinaca saykoolajiga ah ama cilmi nafsi la xiriirta, dadkuna waxay ka baqaan walaaca hawluhu keenaan.

Dhibaatada dib u dhigashada
  • Noocyada procrastination ama dib u dhigashada

Waxaa cilmi baarisyo lagu ogaaday in dib u dhigashadu ay labo u kala baxdo

  1. Dib u dhigashada dadban ama aaan fiicnayn:- dadka dib u dhigasahda noocaan ah ay saamayso ayaa loo sababeeyaa inay jirto baqdin ay ka cabsanayaan inay tilaabo qaadaan oo ay ficil la yimaadaan. Badanaa dadkan waxaa ka tan batah walaaca iyo mashqada hawsha, taasi oo keenta inay ku dhici waayaan inayba bilaabaan.

2. Dib u dhigashada toosan ama firfircoonida leh: iyana waa in dadka qaar ay si kas ah hawlaha dib ugu dhigtaan, dadka noocaan ah ayaa aminsan in ay ku fiican yihiin oo si fiican ugu shaqeeyaan cadaadiska. Qaar kalena waxay hawlaha u dib dhigaan si maskaxdoodu u dagto, oo hadhoow, iyagoo maskaxda soo dajiyey oo dardar leh ay ugu soo noqdaan hawsha.

Daraasad lagu daabacay Joornaalka Cilmi-nafsiga Bulshada, ayaa waxay sheegtaa in dadka dib u dhigtayaasha firfircooni laga yaabo inay hawshooda qabtaan oo dhameeyaan, laakin arinka noocaan ah ee dib u dhigista hawlaha muhiim ka ah wuxuu keenaa walaaca badan sidoo kalena waxaa uu saameeya cafimaadka guud ee qofka.

  • Maxaa keena procrastinationka ama dib u dhigashada

Waxaa jira dhawr wax oo keena inuu qofku caadaysto dib u dhigashada, waxaana ka mid ah:

Kaamilnimada (Perfectionism), dhiirasho la’aan, iyo cabsida guuldarrada laga qabo. Kaamilnimo ama inuu qofku si dhamaystiran wax u qabto, sida dhakhaatiirta saykooliga ay qabaan, badanaa waxaa uu dadka ku keenaa inay hawlaha dib u dhigaan iyagoo ka baqaya in mashruucoodu uu tayo xumaado ama hawsha markaas laga rabo ay si xun u qabtaan oo ay sharaf xumo soo wajahdo. Halkii ay hawsha geli lahaayeen oo niyad jabka iyo guul darada wax ka baran lahaayeen way iska ilaaliyaan oo hawsha dhan ayey ka dhacaan.

Sidoo kale, qofka markii ay ku dhiirashadu ku yartahay, iyana waxay keentaa inuu waxba ku dhiiran waayo oo uu hawlaha dib u dhigto isla markaana uu ka meermeerto qabashada hawsha. Waxaa kale oo iyana jirta in dadku marka ay hawl u arkaan mid aan xiiso lahayn oo lagu caajisayo ay dib u dhigaan oo qabashadeeda ka laablaabtaan.

Cilmi-baaris lagu daabacay joornaalka Sayniska Cilmi-nafsiga waxaa lagu ogaaday in qofku marka uu dhiiran yahay, waxa uu samaynayana ay xiiso u leeyihiin uu ka adkaado procrastination ama uusan dareeminba oo uusan waxba dib u dhigin.

Cabsida guul darada laga qabo ayaaa iyana dadka ka dhigta kuwo baaralays ah oo aan waxba qaban karin, iyagoo kalsoonidooda ilaalsanaya ayeyna qabashada hawsha u taal ka leexleexdaan oo dib u dhigaan khaasatan dadka walaaca badan ama kalsoonidoodu hoosayso. Qodobadaan oo dhan waxay keenaan in aynaan hawlka kar noqon ama aan dib u harno oo aynaan meeqaam sare gaarin.

Soo booqo youtube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

  • Hadaba sidee la iskaga ilaaliyaa procrastinationka ama dib u dhigashada hawlaha
  • In hawsha loo jajabiyo qaybo yaryar:– ama la isticmaalo farsamada zeigarnik loo yaqaan, waxaan ognahay in hawsha aan la dhamayni ay xasuusta dadka mar walba ku jirto oo aan lagu ilaawin sida kuwa la dhameeyey loo iloobo. Hadaba hawsha hadii qaybo yar yar laga dhigo, waxay leedahay labo faaido oo kala ah in ay hawshu fududaato iyo in guulo badan oo yaryar aad gaarto, kuwaas oo moraalka qofka kor u qaadah.  
  • Qodab ka kale ee lagu farsamayn karo dib u dhigashada ayaa isna ah kan loo yaqaan 5 second rule (ama xeerka 5 shanta ilbiriqsi):– kasoo kuleh, mar alaale iyo markii aad dib u dhigasho iyo meermeerin dareento isticmaal xeerkaan adigoo ilaa shan hoos u soo tirinaya 5 4 3 2 1, dabeedna hawsha bilaabaya oo horay ka galaya. Taasi faaidada ay leedahay ayaa ah inay maskaxda bareeg u qabato oo ay carqaladayso wareega fariimaha maskaxda, adigoo markaas awood u yeesha inaad ka gudubto caqabadaha khaaliga ah ee maskaxdu abuurtay.
  • Qodobka kale ee isna kaa caawiya inaad ka gudubto dig u dhigashada ayaa isna ah maaraynta waqtiga.

https://www.youtube.com/watch?v=cpFVqE4Ij3U&t=1s

Kaas oo ah markasta oo aad 25 daqiiqo shaqayso inaad bareeg shan daqiiqo ah qaadato oo aad nasato. Daraasado ayaa waxaa lagu ogaaday, qaabka noocaan ah inuu siyaadiyo wax soo saarka qofka isla markaana uu ka hortago procrastinationka in wax dib loo dhigto.

  • Qodabka kale ee afraadna waa inaad bay’adda iska badasho ama iska habayso.

Daraasado ayaa lagu ogaaday in marka meesha aad ku shaqaynayso ay tahay mid aan ku haboonayn ama isku dhex yaacsan ay keento dib u dhigasho iyo caajis badan. Waxaa muhiim ah in meesha aad ku shaqaynayso ay tahay mid munaasib ah oo aan si maskixiyan ah kuu dhibataynayn.

  • Hawsha oo xilli kama dambays ah loo sameeyo isla markaana la isla xisaabtamo

Cilmi baaris kale oo ay jamacada harvard samaysay ayaa lagu ogaaday in dadka leh deadline ka ama xilli kama dambays ah iyo sidoo kale kuwa leh isla xisaabtanka ay ka adkaadaan dib u dhigashada. Waxaa intaa dheer in dadka leh is aaminaada fiican oo isku kalsoon oo aamina in hawsha u taal ay tahay mid ay awoodaan oo qaban karaan, aysan dareemin wax dareen procrastination ah iyo dib u dhigasho.

Gabagabada

Dib u dhigashadu ama procrastination waa loolan iska caadi ah oo qof walba uu wajaho, waana mid laga adkaan karo hadii uu qofku la yimaado istaraatijiyad ku haboon. markii la fahmo meesha ay ka yimaadan ama waxa keena iyo marka aad sidoo kale taqaano nooca dib u dhigasho ee ku saameeyey, oo sidoo kale aad ku dabakhdo qodabada aan kor kusoo sheegnay ee looga hortagayo dib u dhigashada, waxaad ka xoroobi doontaa in ay maskaxdaadu ku xanibto, waxaadna awoodi doontaa inaad gaarto goolkaaga. markastana xasuusnoow in ficilku uu yahay wax ugu fiican ee dib u dhigashada ama procrastination looga adkaan karo.

Waad ku mahadsantahay, akhriskaaga maqaalkeena, wixii fikir iyo oraah aad hasyo qaybta commentiga inoo ku reeb.

E-book yar oo akhriska ku saabsan hoos kala dag.

Leave a Reply