You are currently viewing Qodob la’aantii Boqor boqortooyadiisa ku waayey (Richard 3)

Qodob la’aantii Boqor boqortooyadiisa ku waayey (Richard 3)

Spread the love

Qodob la’aantii

qodob la’aantii kab faras wax tar ma ahan, kab la’aanteedna faras saaxada dagaalka wax tar kuma ahan, faras la’aantii dagaal laguma guulaysto, dagaalka oo aan lagu guulaysanna boqortooyo ayaa ku baaba’da—waxaas oo dhanna waxaa keenay oo sababay qodob loo waayey kabta faraska boqorka.

qodob la'aantii
Boqor Richard III

ka waran hadaan kugu dhaho oraahdaan sare waxay ka tarjumi sheeko dhacday, boqorkii boqortooyadiisa ku waayey qodobka kabaha. wuxuuna waayey boqortooyo 331 sano jirtay oo uu aabayaashi ka dhaxlay ku waayey oo ay halkaas ku af jarantay.

Boqorkii boqortooyadiisa ku waayey qodabkii kabta faraskiisa ka maqnaa (Boqor Richard:)

Boqorka sheekadu ku dhacday ayaa la sheegaa inuu ahaa boqorkii la oran jiray Richard III oo looga adkaaday dagaalkii u dambeeyey dagaaladii magacooda la oran jiray dagaaladii ubax roowska(the wars of the rose).

Boqor Richard III, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee boqortooyadi York ee wadanka Ingiriiska, ayaa isagu waxaa uu ahaa boqorkii ugu danbeeyey ee bqortoyadaas, xilli xun oo loo yaqaanay dagaalada ubax roowska ee ku beegnaa (1455-1485) ayuuna kusoo aaday. Waxaana uu ahaa boqor dagaal yahan ah oo dilaa ah.

labo qabil ayaana isku hayey oo midna ubax cad uu calaamad u ahaa midna ubax gaduudan ama casaanka ah. boqarkan ayaa isagu watay ubax cad. boqorkaan ayaa isagu dhacay xukunka ka dib markii uu dilay wiilashii uu adeerka u ahaa. wuxuuna noqday mid la nacay. Taasina waxaa ka faaidaystay qabiilkii kale ee ugu waynaa meesha ee la oran jiray lancaster.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegaa in sababta uu Richard ugu guul darraystay ahayd sababo khaladaad yaryar oo is biirsaday. Laakin midda ugu wayn ayaa ahayd mid caanka noqatay,oo Gabayo laga sameeyey, maahmaah noqotay, sidoo kalena buug badan wax looga qoray. Taasi oo ah, (qodob la’aantii kab faras ayaa xumaatay, kab la’aanteedna faras wax tar wuu noqon waayey, faras la’aantii dagaal waa lagu khasaaray, khasaradii dagaalkuna waxay keentay in boqortooyo baaba’do—waxaas oo dhanna waxaa keenay oo sababay qodob loo waayey kabta faraska boqorka).

Faraska boqor Richard ayaa ahaa faras madow oo aad u fiican, isaguna waxaa uu go’aansaday inuu isagu ciidanka hogaamiyo oo dagaalka safka hore ka galo, laakin waxaa loo sheegay in faraskiisa uu kabtiisa qodob ka maqan yahay laakin aysan ahayn wax wayn oo uu dagaal geli karo. Sidaas ayuuna ku tagay goobta dagaal ka oo loo yaqaan Bosworth. Si fiican ayuu u dagaalamay isagoo dilay xitaa nin champion aha oo dhawr tilaabo usoo jira cadawgiisa Henry Tudor, laakin faraskiisa ayaa kabtii ka dhacday, wuuna kufay, sidaas ayaana boqorkii uga dhacay oo lagu dilay. Dagaalkiina waxaa ku guulaystay Henry Tudor dagaalkani uu ahaa kisii ugu horreeyey , oo noqday boqorka ingiriiska isla markaana asaasay boqortooyo cusub oo Tudor la oran jiray Wadankana mudo dheer xukumaysay.

Soo booqo You tube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Muhiimada iyo macnaha sheekada

Hadaba muhiimada sheekada ama sababta aan u soo qaadanay ayaa ah dhibaatada ay leeyihiin waxyaabo yar yar oo aan yaraysano laakin laga yaabo inay dhibta ugu wayn inoo keenaan. Cidna ma qiyaasi karto in qodob kab ka maqani uu sababi karo in jiritaanka boqor tooyo dhan soo afjarmo oo uu saas ku dhamaado.

Hadaba mabda’a ama principle ka ripple effect waxaa loo yaqaan oo aan ku sheegi karno, ama ku micnayn karno, Dhibaatada ama saamaynta waxa yar ee aan dhayalsano ama yaraysano uu keeni karo dhibaato aad u balaaran. Tusaale dhinaca ganacsiga ah hadaan isla eegno, Shirkadii waynayd ee NOKIA maxaa suuqa ka saray? waxaa la sheegaa in ahayd sabab yar oo ah, inay iska indha tireen inay sameeyaan talefonada leh shaashada taabashada ee casriga ahaa. Taasi oo sababtay in shirkado leh talefoono casri ah oo leh shaashada taabashada ay suuqa ka saaraan oo hal mar waa ku baryey Nokia.

Hadaba shirkada NOKIA lacag iyo cilmi uma waayin si ay adunka ula jaan qaadaan ee waxaa helay dhayalsi iyo inay ismoodeen inay dunida kor ka haysteen. Lakin habeen oo cad ayaa lala kacay, sanado yarna magacooda ayaaba qarsoomay.

Hadaan eegno dhinaca waxyaabaha yar yar ee uu qofku sameeyo ee keena samayn weyn mustaqbalka ay ka mid yihiin, inuu qofku cafimaadkiisa dayaco oo u sigaar ama balwad cuno, mudo ka dibna u xanuun la soo dhaco ay keentay balwadii uu sanadaha waday. Halka taa ka soo horjeedkeeda ficil yar oo fiican oo aad samayso, sida inaad jimic samayso maalin walba ama inaad maalin walbo biyo kugu filan cabto ay faaidooyin wax ku ool ah oo dhinaca caafimaadka ah keenaan.

Gabagabo

Ama dagaal ku jir, ama hawlo ganacsi ku hawlanoow, ama noloshaada shakhsi ahaaneedba, arimo yar yar oo is biir biirsada oo aad dhayalsato ama aad yaraysato, waxay keeni karaan dhibaatooyin waa wayn oo aadan filanayn, si sahlanna aad uga baaqsan kartay. Casharka ugu muhiimsan ee aan sheekadan yar ka baran karno waa in aynaan yaraysan arimaha u muuqda kuwa aan micno wayn lahayn laakin leh cawaaqibka wayn.

Adigu akhriste hada maxaa ka mid ah waxyaabaha yar yar ee aad mar walba iska indho tirto ama dhayalsato laakin dhibta wayn keeni kara?

Ma waysan ahayn hada xilligii aad qodabada yar ayr wax ka qaban lahayd inta aysan isku badalin wax faraha ka baxay oo aan xal loo heli karin.

Ebook wax akhriska ku saabsan hoos ka hel.

qodob la’aantii

qodob la’aantii \

qodob la’aantii

qodob la’aantii

qodob la’aantii \

qodob la’aantii

Leave a Reply