You are currently viewing 4 Shay oo aasaas u ah saaxiibtinimada lamaanaha(know more)

4 Shay oo aasaas u ah saaxiibtinimada lamaanaha(know more)

Spread the love

4 shay oo muhiim ah

Saaxiibtinimada waxaa badanaa lagu yaqaano oo kaliya dad ka asxaabta ah, laakin sidoo kale waxay dhex mari karto dadka isqaba ama uu xiriirku ka dhaxeeyo. Waana arin muhiim ah oo aan lamaane kastaahi ku guulaysan karin. Laakiin kuwa iyagu awooda in ay xiriir noocaas ah yeeshaan waxay helaan nolol farxad dheeraad ah leh. Dad badan oo somalideena ka mid ah waxaa laga yaaba inay kusoo koreen nolol marka aabuhu guriga yimaado la kala cararo oo qof walba qoflkiisa isku qariyo. Isaguna uu qaylo bilaabo oo in saaxiib lala noqdo oo imaantinkiisa lagu farxo iska daaye laga naxo marka uu yimaado.

Maqaalkeena maantayna 4 shay oo muhiim ah ayaan ku lafa guri doonaa:

  1. Kalsooni ama is aaminid

Is-aaminaada iyo kalsoonidu maahan kuwo iska yimaada oo subax uun la isku arko ee waa kuwo la beero oo laga shaqeeyo, sidoo kalena la kasbado. Qof walbana waa inuu dhiniciisa ka dadaalo. Daraasado ayaa muujinaya in lamaanaha ku dadaala inay dhisaan xiriir kalsooni iyo daacadnimo leh ay yeeshaan xiriir wanaagsan oo xidido adag ku taagan.

Islaamkuna arinka sxiibnimada lamaanaha aad ayuu u dhiri geliyaa oo rasuulka ayaa axaadiis badan looga weriyey kuwaas oo caddaynaya inuu sxiib la ahaa xaasaskiisa sida caaisha oo kale. Oo la sheegay inay isla fara ka ciyaari jireen oo xitaa ay tartami jireen. Xiriirkasta oo sxiibtinimo kalsooni leh ay ku jirtana waxaa uu noqdaa mid xoog badan oo waara.

4 shay
couples hold hands

Tilaaboyinka aad qaadi karto si aad kalsooni u samaysana waxaa ka mid ah:

Ka bilaw meel fudud oo noqo mid furfuran, oo kaftan badan. Maalin walbana waxaa muhiim ah inaad xogaa ku darto oo uu horay usii socdo, ilaa aad isku furfurantaan. Taas ayaa abuurta kalsooni iyo xiiso dheeraad oo qofba kan kale inta uu ka maqan yahay uu usoo hiloobo. Intaa ka dib lamaanayaashu waxay awoodaan inay is maaweeliyaan oo iyagu wehel iskugu filnaadaan, dad kalena ay ka kaaftoomaan.

2. Is-taageerid aan shuruud lahayn

Istaageerid aan wax shuruud ah lahayn oo aan qofna qofka kale waxna kala bakhaylin waxna kala harin ayaa iyana ah shay aad muhiim ugu ah saaxiibtinimo dhex marta lamaanaha. Waxaan ognahay in Saaxiibtinimada caadiga ah ee dadka aan lamanaha ahayn ee asxaabta caadiga ah, ay tahay is garab istaaga markii uu xaalku adkaado. Saxiibnimada iyo taageerada lamaanayaashuna maahan mid taas ka duwan. Cilmi baarisyo ayaa muujinaya marka dadka lamaanaha ay sida saxiibadu isku taageeraan oo kale inaya isku taageeran oo is garab istaagaan ay aad u adkayso una abuurto xiriir aad u adag. Waxay noqodaan kuwa aad isku xiran oo is aaminsan.

Talada ugu fiican oo aad qodab kaan ka qaadan karto ayaa ah:

Agjoog marka uu lamaanahaagu kuu baahan yahay. Mar marka qaar adigoo dhagaysata oo erayo naxariis ah ku dhaha ayaa wax walba uga fiican. Adigu noqo meesha ay ku tiirsan yihiin oo ay naxariis iyo taageero wayn ka helaan.   

3. Qiyamka ay wadaagaan ama waxyaabaha ay wadaagaan.

Qofna qof aysan isku wax danayn saaxiib lama noqon karo. Lamaanahana waxaa muhiim ah inay waxyabaha ay daneeyaan ama qiimaha u leh ay yihiin kuwo ay wada jecel yihiin oo ka siman yihiin. Tasoo keenta inuu xiriirkoodu miro dhalo oo noqodo mid sii xoogaysata oo waara.

Talooyinka aad ka qadan karto qodabkaana waxa ka mid ah:

waqti tayo leh oo lagu bixiyo in la qabto wax lamaanuhu ay wada xiiseeyaan, sida in banaanka la isku raaco, ama in cuntada la isla cuno ayaa xiriirka ka dhiga mid dhidibo adag ku taagan, isla markaana yareeya in labada qof isku caajisaan oo isnacaan.

soo booqo youtube-keena oo hell muuqaalo badan oo xiiso leh

https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

4. Is-ixtiraam

Somalida waagii hore furitaanku waa ku yaraa, oo qofna wax qorshe labaad ah (plan B) malayn oo noloshu geeri ha ina kala kaxayso ayey ahayd. Inkastoo aan xiriir saaxiibnimo oo badan lagu sheegi jirin, hadana soomaalidii hore waxaa ka dhaxaysay isxurmayn aad u wayn oo qofba kan kale qadarin ayuu u hayn jiray. Xurmaduna waxaa la isku raacay inay tahay qodabka ugu muhiimsan ee xiriirka iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa lamaanaha.

Xilmi baarisyo ayaa muujinaya in lamaanaysha is xurmeeya ay celcelis ahaan ka xiriir dheeryihiin kuwa kale ee aan isxurmayn ama saxiibka ahayn. Ka Muslim ahaana xurmadu waa wax diini ah, waana shardi ka mid ah shardiyada guurka iyo guud ahaan noloshaba.

Talooyinka ama naseexada aad ka qaadan karto qodabkaana waa :

Inaad joogtayso inaad amaanta u badiso lamaanahaaga. Xurmayso fikradahooda iyo riyooyinkooda, sidoo kalena la dabaal dagto guulahooda. Waxyaabahan yar yar ee xurmadu ku dheehan tahay ee aad d u samayso lamaanahaaga ayaa dhisa xiriir wanaagsan oo xurmo iyo isfahan ku dhisan.

muuqaal xiiso leh oo aan ka samaynay maqaalkan iyana youtube ka daawo

Gabagabada

Arimaha ay ka mid yihiin xurmada, is aaminaada, ixtiraamka iyo qiyamka ay ka siman yihiin lamaanayaashu, waa 4 shay oo aad wax tar ugu leh inuu lamaahana dhex maro guur raaxo iyo nolol wanaagsan leh. Waxayaabahaas oo dhan isagoo madaxa ku haya isla markaana si ula kac ah maalin walba ugu sameeya lamaanihiisa, waxay keenta saxiibtinimo dhab oo dhex marta lamaanaha. Xusuusnowna, lamaane kula saaxiib ah waa wax ugu fiican ee aad guur ama xiir ka heli karto.

Adigu maxaad isleedahay inay saxiib tinimo abuuri karto lamaanaha dhex marta?

Ebook yar oo ka hadlayo sida wax loo akhriyo isna halkaan kala dag.

Leave a Reply