You are currently viewing Sidee ayaad noloshaada 6 bilood ku beddel-i kartaa? (know more)

Sidee ayaad noloshaada 6 bilood ku beddel-i kartaa? (know more)

Spread the love

1. Noloshaada 6 bilood ku beddel

Noloshaada 6 bilood ku beddel, waxaa laga yabaa inay kuula muuqato fikrad aan macquul ahayn, laakiin waa macquul. Adigoo baran kara xirfado cusub, samaysan kara caado cusub, iyo inaad sidoo kale beddesho aragtidaada nolosha ku aadan. Waxaa sax ah in warka noocaas ah uu kuwo badan oo ina ka mid ah ula muuqdo mid iska sheeko iyo hayaaanad ah. Laakin maqaalkeena ayaan waxaan idin ku siin doonaa, tilaabooyin ama wadadii aad u mari lahayd isbedelka noocaas ah. Dhawr qodob ayaanan idiin ku soo koobay. Hoos ka akhriso.  

2. The Power of Reinvention ama (awoodda dib isu ikhtiraacida

Tilaabada ugu horeeysa ee aad nafsadaada dib ugu ikhtiraacayso waa inaad fahanto awooda uu isbedelku leeyahay. Sida buugga magaciisa la dhaho, mindset uu qoraagu ku sheego, furaha ugu muhiimsan ee koritaanka shaqsiyadeed waa inuu qofku yeesho maskax aaminsan in ay kori karto iyo kobac joogto ah oo uu sidoo kale Aamino in awooddiisa dhinaca kartidiisa iyo caqligiisuba ay yihiin ku kori kara oo mar walba horumar lagu samayn karo. Dadka aan lahayn maskax aaminsan in la kori karo waxay aaminsan yihiin awooddoodu ay tahay mid xadidan oo ay jiraan waxyaabo badan oo aysan qaban karin. Lakin taas ka soo hor jeed keeda dadka is aaminsan inay awoodaan inay horay u socon karaan iyagoo dadaal, wax kororsi, adkaysi iyo tala saarashada rabigood cuskanaya ay heer sare gaari karaan.

Safarkaagaan waxaa lagaa rabaa inaad aaminto inaad awoodoh inaad wax weyn ka badeli karto marxalad walbood nolosha kaga sugan tahay. Buugga magaciisa la dhaho atomic habits ayaa isna aan ka baran karnaa in caadooyin ama ficilada yaryar ee joogtada ah ay isbiirbiirsadan mudo ka dib iskuna badalaan wax aad u wayn oo horumar la tabaan karo ah. Waxaan ka hadlayno maahan tilaabo ama guul hal habeen ah ee waxaan weeye koritaan joogto ah muddo lix bilood ah.

Noloshaada 6 bilood ku beddel

3. Samayso goolal cadcad

Inta aadan dib isku ikhtiraacin, waxaad u baahantahay inaad taqaan waxa dib isu ikhtiraacidu tahay. Sida cilmi baaris uu iskuulka ganacsiga ee jamacada Harvard sameeyey ay sheegtay, dadka yeesha yoolal cadcad oo gaar ah, ay toban jeer kaga jaanis fiican yihiin inay gaaran yoolkooda kuwa aan iyagu wax gool ah lahayn. Marka tilaabada kuugu horeeysa ee aad hada qaadi karto waa inaad samaysato khidadaada lixda bilood ee soo socda.

Iswaydii halkee noloshayda ka mid ah, ayaan wax ka bedelid u baahan? Ma dhinaca shaqadadaa, ma caafimaadkaaga xaggiisaa, ma dhinaca xiriirkaa, mise adigaa rabo inaad shakhsi ahaan ah isku hormarisid? Qoro goolal caqli gal ah oo khaas ah isla markaana ah kuwo la gaari karo ah, oo la cabiri karo, oo waqti xadidan leh, macnihii lixbilood lagu gaari karo, taasoo jihada iyo wadada kuu ifisa kuna caddaysa.

4. Barashada xirfad cusub

Mid ka mid ah siyaabaha ugu macquulsan ee aad noloshda dib ugu ikhtiraaci karto waa inaad barato xirfad cusub. Aduunka aan maanta joogno ee saacad walba is bedelaya inaad si joogto ah aqoontaada u siyaadiso waa wax aad muhiim u ah. Buugga magaciisa la dhaho outliers oo uu uu qoraagu uga hadlo “dadka aan caadiga ahayn ee hibada leh”, wuxuu inoo soo bandhigaa xeer la dhaho 10,000 saacadood, kaasoo noo sheega in inaad xirfad barato ay u baahan tahay dadaal iyo ku celcelin joogto ah. Lakin lambarkaas dheer ee kumanaanka ah yuusan ku niyad jabin, lix bilood hadaadan khabiir ku noqon waxaad ku noqon kartaa qof xirfadaas aqoon fiican u leh oo wax laga waydiiyo.

Dooro xirfado ku haboon yool kaaga. Hadaad rabto inaad shaqadada hormariso, baro hadba kii kaa anfaca waxyaabahan ay ka mid yihiin, sida codingka, ama programinta, sida dad hadal looga horjeediyo, sida wax loo iibiyo, iyo wixii kale oo aad markaas adigu danaynayso ama aaminsantahay inay wax weyn ku tari karaan. Hadaad dhinaca naftaada rabto inaad hormariso waxaad iyana baran kartaa, waxaabo ay ka mid yihii sida caqligaaga loo kobciyo shucuurtaadana loo maareeyo. Wax walbo oo aad u baahan tahay inaad ogaado ama barato iyagoo free ah ayaad khadka ka helin hadaad raadiso.

soo booqo You tube keena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

5.  Yeelo caadooyin cusub

Isla buuggii atomic habits, waxaan kale oo ka baran karnaa in caadooyinku ay yihiin asaaska isbedelka qofka, caadooyin cun hadaad yeelato mid xun ayad noqtaa hadaad kuwo fiican yeelatana wax ayaad ka dheeftaa. Buugga kale ee tiny habits (ama caadooyinka yaryar), isna waxaa uu inoo soo jeediyaa, in diiradda oo la saaro is-bedelo yaryar oo la maarayn karo ay isku bedelaan wax cajmi iyo waxtar wayn leh. Tusaale: hadaad rabto inaad qof jirkiisu dhisan yahay noqoto, ka bilaw inad maalin kasta shan daqiiqo jimicsato. Mudo ka dib tani waxay kuu noqotaa caado wax wayn kaa bedesha.

Mid ka mid ah dabeecadaha iyo caadooyinka aad mudadaan lixda bilood ah samaysan karto si aad naftaada dib ugu ikhtiraacdo ayaa ah inaad si fiican u maarayso waqtigaaga. Cilmi baaris ay sameeyeen ururka culimada saykoolijiga ee maraykana ayaa lagu ogaaday in dadka waqtigooda maareeya ay helaan labo faaido oo kala ah inay noqdaan kuwo wax soo saar leh iyo kuwo faraxsan oo aan walaac lahayn. Isku day inaad Isticmaasho mid ka mid ah khidadaha waqtiga lagu maareeyo sida time blocking waxa loo yaqaan oo ah inaad hawlaha qaar ba waqti u qoontaydayso oo u xirto, taasoo maalintaada ka dhigta mid qoondaysan oo miro dhal ah.

6. Samayso calaaqaad fiican

Is-ikhtiraacidu waxay macquul noqotaa oo sii fiicnaataa markaad isku wareejiso asxaab kugu haboon oo ama ku caawiya ama ku dhiri geliya. Waxaa jirta xigmad oranaysa, waxaad tahay celceliska ama averageka shanta qof ee aad waqtigaaga inta ugu badan la qaadato. Waxaana jiro cilmi-baarisyo taageeraya oraahdaan oo leh in uu xiriir wayn ka dhaxeeyo meesha ama bay’adda iyo dadka uu qofku ku dhex jiro iyo heerka uu nolosha ka gaaro iyo weliba dabeecadihiisaba.

Waqtigaan uga faaidayso inaad samaysato shabakad dad ku taageri kara. oo ku dhiiri gelin kara. Ku biir ururo ama koox dad horumar ku tilaabsanaya, waxaad kale oo raadsan karta macalimiin khibrad leh oo ku bara xirfadda iyo cilmiga aad rabto inaad barato oo horumar ku gaarto. Qofka runtii rabo inuu is bedalo oo horumar gaaro caawimaad meel walba ayey taal oo cid wax kugu taageerta ma waayi doontid, ee adigu go’aan kaliya yeelo oo inaad wax bilawdo go’aanso.

7. Cabiridda horumarkaaga iyo la-xisaabtanka naftaada

Waxaad awoodaa inaad cabirto ood qorato guulaha yaryar ee aad gaarto, adigoo samaysanaya buug ama telfonkaagaba ku qoranaya. Tani Faaidada ay kuu leedah ayaa ah inay ku dhiiri geliso oo horumarakaagu dardar ku socdo. 

Waxaad samaysan karta qof isha kugu haya oo kula xisaabtama sida sxb ama lamaanahaga oo kale, cilmi baris ayaa lagu ogaaday in dadka horumarkooda cid kale u sheega ama lala xisaabtamo ay 65% gaaraan yoolalkooda.

https://www.youtube.com/watch?v=uHoz6_FKZfk&t=5s

8. U dul qaadashada caqabadaha

Ogoow, is-ikhtiraacidu waa horay u socosho. Waxaa kaa hor imaan doona caqabado iyo dhibaatooyin iska caadi ah. Sida aan ka heli karno buuga la dhaho grit (jeceel iyo adkaysi), guushu sideedaba waa adkaysi ee maahan hibo iyo xirfad. Dadka awooda inay ka soo kabtaan khasaaraha ayaa ah kuwa ugu danbayn guulaysta. Mar kastoo arinku kugu adkaado xusuuso inaad leedahay gool weyn, inaad isdhibtana aysan boosk ku jirin. Wax kastooy kugu qaadato horay usoco oo marna ha isdhiibin.

9. Gabagabada mashruucaaga isbedelkaaga lixda bilood ah

Isku soo duuboo, is-ikhtiraacidda naftaada ee mudo lixbilood ah, waa wax macquul ah, haddii aad leedahay yool iyo wax qabad joogto ah. Isku day inaad yeelato maskax furan oo aaminsan inaad karti u leedahay inaad horumar ku tilaabsato oo heersare gaarto. Goolal cad samayso, xirfad cusub baro, bulsho cusub samayso ama ku biir, noloshadana dadka negative ka ku ah ka saar. Sidoo kale la soco horumarkaaga, islana xisaabtan, waxkastoo dhacana marna ha isdhiibin. Xusuusnow lix bilood ka dib waxaad isbedel wayn ku samayn doontaa noloshada. Marka maxaad sugin hada? bilow safarkaaga ku aaddan dhinaca is bedelka.

E-book yar oo akhriska ka hadlayo hoos kala dag ama ka akhriso. Mahadsanid..

Noloshaada 6 bilood ku beddel

Noloshaada 6 bilood ku beddel

Noloshaada 6 bilood ku beddel

Noloshaada 6 bilood ku beddel

Leave a Reply