You are currently viewing Waa maxay lacagta kiribto? what is Cryptocurrency?

Waa maxay lacagta kiribto? what is Cryptocurrency?

Spread the love

Waa maxay lacagta kiribto?

Waa maxay lacagta kiribto? waa suaal qof walba is waydiinayo. Haddaba, kiribatdu waa nidaam lacageed oo digitaal ah(danabaysan). Taas oo ah mid aan la taaban karin sida tan xaanshida ah. Ama midda birta ama shilinka ah. Waxay ka mid tahay lacagaha digitialka ah, sida kuwa moobeelka la iskugu diro somalia(mobile money). EVC, Saad, ama sahal waxaa rabtid u aqoodoo. Ama kuwa bangiyadu isticmaalaan ama app-babka kale ee digitalka ah. Waxa kaliya ee ay kaga duwan tahay waa in aan cidna maamulin oo xukumin. Ma jirto cid qiimaheeda xadaysa, ama xiliga ay shaqayso. Sidoo kale ma leh xilli la furo ama la xiro, sida suuqyada lacagta sarrifa. Waxay u dhaxaysaa oo kaliya labada qof ee wax kala iibsanaya ama kala badalanaya.

Tusaale, si aad lacag u dirto, waxaad u bahantahay bangi ama xawaalad. Waxaa dhacda in loo baahdo in qof kuu shaqeeyo, sharci lagaaga baahdo, sidoo kalena maalmaha qaar aysan shaqayn ama furnayn. Waxaa kale oo imaan kara cillado marka lacagta la dirayo. Waxaa kale oo shardi ah in dawlada la ogaysiiyo. Iyo in qofka marka uu lacagta qaadanayo isna sharci looga baahdo. Qaabka noocaan ah af English waxa lagu dhahaa(centralized money), oo ah wax xarun dhexe laga xukumo.

Kiribtadu waxaan soo sheegnay oo dhan ka soo horjeedkeeda weeye. (Decentralized) weeye oo maleh meel laga xukumo. Adiga ayaa lacagtaada masuulka ah. Dawlad iyo cid kale idan ugama baahnid. Mar walbo ayaad awooda inaad isticmaasho. Amaankeedu aad ayuu u sareeyaa. Qiimaheedana dawlad iyo bangi ma joongooye ee dadka haysta ayaa xukuma.

Su’aasha ah, waa maxay lacagta kiribto? haddaan isla fahanay; Hadaba, shaqda Kiribtada oo dhami waxay ka dhex dhacdaa computero. Ama shabakad computero oo isku xiran. Hadda aan is waydiino suaal ah:

waa maxay lacagta kiribto?
Bitcoin https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Sidee loo isticmaalaa kiribtada?

Kiribtadu waxay la mid tahay lacag walbo oo wadan isticmaalo. Waxay kaga duwan tahay oo kaliya maleh cid xukunta. Qofkuna waxaa uu haystaa xorriyad buuxda. Lacagta aduunku waxay soo martay heerar kala duwan. Ugu horrayn waxay ahayd shay shay ku badalo, sida xoolo ama alaabo. Ka dib waxaa la sameeyey dahab ama noocyada biraha ee kala duwan. Laga soo gudub oo lacag warqad ah ayaa la sameeyey. Aduunkuna hadda waxaa uu ku shaqeeyaa, middaas xaanshada ah oo uu dahabku u yahay difaac.

Sodankii sano ee u danbayey, dunidu waxay u guurtay dhinaca lacagta digtalka ah. Lacagtaas oo sida tan warqadda ah, dawladaha iyo bangiyadu xukumaan. Laakiin dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa soo baxay hab kale oo casri ah. Taasi oo ah midda loo yaqaan kiribtada. Waxaa lagu jeclaaday, in ay tahay mid dawlad iyo bangi ka madax banaan, oo aan qof saddexaad ku dhex jirin. Maantana, wax walba oo lacagaha kale lagu kala gadan karo aya iyana lagu iibsan karaa.

soo booqo boggeena You Tubeka https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1

Sidee kiribto u soo gadan karta?

Waxaad si sahlan uga gadan karta suuqyada sarrifka ee kiribtada. Sida lacagaha kale kiribtaduna waxay leedahay suuqyo iyo meelo u gaar ah oo laga helo. Binance iyo Coinbase ayaana ka mid ah. Waxaa jira in ka badan kun lacagood oo kiribto ah. Waxaase ugu caansan oo ugu qiimo badan, Bitcoin,  Ethereum, Binance Coin, Solana iyo kuwa kale. Qiimaha guud ee kiribtadu waxaa uu ka badan yahay $2 Trilyan. Dahabka oo qiimahiisu yahay $13 Tirilyan ayaa la filayaa inay dhawaan dhaafto.

Sidee kiribtadu u shaqaysaa ma u tarantaa?

Kiribtadu sida noocyada kale ee hantida, oo ay guryaha, xoolaha, dhulka iyo baabuurta, ayey iyaduna hantida uga mid tahay. Sida kuwaas qiimahoodu isku bedbedalo ayey iyana isku bedeshaa. Kiribta qiimaheeda waxaa kordhiya ama yareeya baahida loo qabo. Iyada oo markii aad loo gatona aad u kacda markii la iska iibiyana hoos aada. Waxaa kale oo saameeya ama caqabad ku noqda dawladaha oo isku daya inay xukumaan, ama sharciyo xadidaya soo saaraan.

Dacwado ayaa ku furmo taasi oo aad u saamaysa. Waxaa kale oo jira in waxyaabaha ay ku xiran tahay, ay yihiin kuwo meel laga xukumo. Qodobka u wayn oo saameeya waa dhaqaalaha aduunka. Kaas oo ka qayb qaata kor u kaceeda ama hoos u dhaceeda. Sidoo kale media-ha iyo sida looga hadlo ayaa iyana aad u saameeya qiimaheeda.

Sidee loo kaydsadaa kiribtada?

Marka aad suuqyada sarrifka ka soo iibsato; aan dhahno hal xabo oo Bitcoin ah. Waxaa kuu furan inaad akoonkaaga u daysato. Sida midka aad ku leedahay Binance oo ay halkaas kuugu jirto. Waxaa kale oo kuu furan in aad wallet(boorso) ama sanduuq kuu gaar ah gashato. Waxaa walletka ka mid ah sida Trust wallet iyo kuwo kale. Qasab maahan in lacagtaas aad shaqo geliso. Sidoo kale qasab mahan inay kororto ama naaqusto. Waxwalba waxay ku xiran yihiin suuqa iyo dhaqaalaha dunida. Kuwaas ayaana jaangooya qiimaheeda. Waxay la mid tahay guri aad leedahay, qiimaha gurigaasi waxaa uu ku xiran yahay mar xaladaha ku wareegsan. Sida amaanka ama hormarka ka jira meeshaas iyo wax la mid ah. Kiribtana saas oo kale weeye.

Gabagabo

Gabagabada maqaalkeena, suaasha ah, waa maxay lacagta kiribto?, jawaabteeda hadan soo koobno: kiribto waa lacag digital ah(danabaysan). waa lacag casri ah oo leh faaiidooyinkeeda iyo sidoo kalena yeelan karto khataro. Khataraheeda waxaa ka mid ah, inay tahay mid dhaqso isku bedbedasha, oo oo marna qiimo sare leh marna hoos aada. Waxaa kale oo khatareehada ka mid ah kuwo amni oo ay ka mid yihiin in lagaa xado ama inaad iska dhumiso furaheeda ama baaswoorka.

Waxaa muhiim ah inaad si fiican u fahanto haddii aad danaynayso lacagtaan. Nooc kasta oo lacagtaan ah ayaa la filaa inuu sii jiro. Oo waa mid mustaqbal leh. Waana mid mustaqbalka lacagta ee aduunka laga yaabo inay badasho.

Waxaa lagaa rabaa, inaad fahanto, oo aad si xirfadaysan u maal geshato. Aqbal isbadalka oo dunida cusub la qabso!

Halkaan ka akhriso E-book yar oo akhriska ku saabsan.

Waa maxay lacagta kiribto?

Waa maxay lacagta kiribto?

Leave a Reply