You are currently viewing Sida wax loo akhriyo: how to read (free pdf)

Sida wax loo akhriyo: how to read (free pdf)

Spread the love

Sida u akhrisku muhiim u yahay?

Akhrisku muhiimadda uu leeyahay waxaad ka dareemi kartaa oo wax qaadasho iyo fahan kuugu filan, in qur’aankeena waxa ugu horeeya ee soo dagay uu yahay erayga akhri. Ilaahay rasulkeena NNKH, waxaa uu hadal uga bilaabay, “akhri”, “oo ilaahaaga ku abuuray magaciisa akhri”.

Qur’aanku saan ognahay waxaa weeye hadalka ilahay iyo qaanuunka uu ugu talo galay dunida in lagu dhaqo. Erayga ugu soo hor dagay quraanka inuu yahay akhrina macno wayn ayey xambaarsan tahay. Waxaan ka dareemi karnaa bini-aadamku haduu rabo inuu mugdiga ka baxo, waxaa laga rabaa inuu wax akhriyo. Akhriskuna waa wadada kaliya oo aan uga bixi karno mugdiga nolosha aduunka iyo dhib walba oo aduunkan ka jirta.

Hadaba haddii ogaanshaha arinkaas uusan kaa dhigin mid wax akhri-aya, fahan Xigmaan oranaysa, qofka aan wax akhrin iyo kan dhintay ama maydka ah waxba isma dhaamaan. Qofkuna maalinka uu akhriska joojiyo ayuu runtii dhintaa. Haddii aan taasi kaa dhigin mid wax akhriyana tan kalena ku darso. Qofka wax akhriyaayi waxaa uu noolyahay dhawr nololood, halka kan aan wax akhrin uu hal nolol oo qura noolaado.

sida


Haddaba, haddii aad danayso akhriska, waxaan buuggan yar ee Ebook ga ah idin kusoo ururinay xog badan oo ku baraysa sida wax loo akhristo, faaiidooyinka akhriska, iyo waxa akhrisku uu maskaxdaada ku sameeyo iyo sida uu akhrisku noloshaada u beddeli karo gebi-ahaanba.

Sidoo kale soo booqo youtubekeena https://www.youtube.com/@DARaaSAAD1, ama facebook https://www.facebook.com/profile.php?id=61559026425383si aad muuqaalo badan iyo khulaasada buugta iyo macluumaad kale oo badan nooga hesho.

E-book ga isagana halkaan ayaad ka akhriso…

Leave a Reply